Tallaabooyinka caafimaadka iyo badbaadada ee COVID-19

Sidii Guddida Socdaalka iyo Qaxootiga Canada (IRB) waxay bilaabaysaa qabashada dhegaysiga qof ahaaneed, tallaabooyinka caafimaadka iyo badbaadada la diyaariyay si loo ilaaliyo ka qayb galayaasha qolka dhegaysiga.

Ka hor dhegaysiga: Dhammaan kooxaha imanaya IRB horteeda waxaa looga baahan doonaa inay buuxiyaan su’aalaha xog ururinta is qiimaynta, marka koowaad ee ay helaan Ogaysiiska in La yimaado iyo ka dib marka la yimaada xafiisyada IRB. Tani waxay qiimayn doonaa:

  • haddii adiga ama qof aad la nooshahay uu muujiyo wax astaamo ah ama
  • haddii aad xidhiidh la samayso qof dhawaan lagu aqoonsaday COVID-19.

Haddii lagaa helay COVID-19 2 todobaad ee u dambeeyayka dib dhegaysigaaga qof ahaaneed fadlan hubi inaad ogaysiiso saraakiisha caafimaadka dad waynaha inaad booatay IRB.

Uma baahnid inaad ku wargeliso saraakiisha caafimaadka dad waynaha sababta aad u joogtay IRB.

Waxa laga filayo marka aad timaado dhegaysigaaga

Waa inaad timaadaa 30 daqiiqadood ka hor wakhtiga bilowga dhegaysiga ee lagu sheegay Ogaysiiskaaga Imaanshaha.

Markaad timaado, tallaabooyinka kala fogaanshaha jidhka diyaar ayay ahaan doonaan.

  • Maaskareetiyada aan caafimaadka ahayn waxaa looga baahan yahay dhammaan meelaha dad waynaha oo waxaa la heli doona amarka la codsado. Haddii aad ka xor tahay xidhashada maaskareetiga (eeg dhammaan liiska inta ka xorta ah), fadlan la xidhiidh waaxda ku habboon gobolkaaga ka hor inta aanad xaadirin dhegaysigaagamarkaas qaban qaabada ku habboon ayaa hore loo sii samayn karaa.
  • Had iyo jeer u jirso 2 mitir (6 fuudh) kala fogaanta jidhka ah ee u dhaxaysa naftaada iyo kuwa kale.
  • Raac calaamadaha tilmaanta dabaqa, calaamadaha gidaarka, iyo tilmaama kasta oo ay ku siiyaan shaqaalaha IRE iyo waardiyayaasha amniga.
  • Dhammaan meelaha dad waynaha waala nadiifin doonaa maalinta oo dhan.

Dhammaan booqdayaasha waxaA la waydiin soonaa inay buuxiyaan su’aalaha xog ururinta is qiimaynta ah markay yimaadaan.

Dadka ka xorta ah xidhashada maaskaraatiga ama daboolida wejiga.

  • Caruurta ka yar 2.
  • Shakhsiyaadka qaba xaalada caafimaadka adkaysa xidhashada maaskaraatiga. Tan waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xadidnayn:
    • Xaalada caafimaadka, xaalada caafimaadka maskaxda, xaalada garaadka ama naafanimada ka hor joogsata xidhashada maaskareetiga ama daboolida wejiga.
    • Xaalada caafimaadka adkaysa in la neefsado.
    • Dadka maqalka ka liita ama la xidhiidhaya qofka maqalka ka liita, oo halka kartida in afka la arko ay lama huraan u tahay wada xidhiidhka.
  • Shakhsiyaadka aan awoodin inay xidhaan ama iska saaraan maskaraatiga iyaddoon laga caawin.
  • Shakhsiyaad u baahan habbayn si waafaqsan Xeerka Xuquuqda Aadamaha Kanadiyaanka.

Gelida Dhismaha

 
  • Raac dhammaan tilmaamaha ku yaal jidkaaga dhanka wiishka korida guriga ama qolka dhegaysiga.

Wiishashka


 
  • Tallaabooyinka badbaadada, sida xadidka tirooyinka dadka, waxa uu ahaan karaa diyaar. Fadlan raac dhammaan calaamadaha iyo tilmaamaha ee isticmaalka wiishashka ah
  • Iyaddoo ah badbaadada qof kasta, wiishashka waxaa loo nadiifin doonaa si caadi ah.

Qaybta laga soo galo dabaqa, marinada iyo qolalka sugitaanka

 
  • Markaad timaado goobta dhegaysigaaga, waxaa lagaaga baahan doonaa inaad saf gasho, soo bandhigto.
  • Waxaa waardiyaha amnigu ku waydiin doonaa inaad nadiifiso gacmahaaga ka dib dhammaystirka su’aalaha xog ururinta. Heerkulka wejigaaga sidoo kale waa lagula socon doonaa kamarad aan ku taaban oo shucaac leh.
  • Dhegaysigaaga dib ayaa wakhti loogu qaban doonaa haddii aanad buuxinta shuruudaha baadhitaanka amniga ugu yar ama haddii kamarada shucaaca leh ay ogaato inaad leedahay in ka saraysa heerkulka jidhka caadiga ah.
  • Waardiyaha amnigu waxa uu kuu raaci karaa adiga ama ku siiyaa adiga tilmaamaha miiska diiwaangelinta iyo/ama qolka dhegaysiga. Xusuuso inaad raacdo calaamadaha tilmaanta dabaqa oo aad ilaaliso kala fogaanshaha jidhka. Raac dhammaan tilmaamaha uu bixiyay shaqaalaha miiska diiwaangelinta marka la bixinayo ama la dhammaystirayo caddaynta.

Qolalka dhegaysiga

 
  • Iyaddoo ku salaysan waayo aragnimada iyo faallo celinta daneeyayaasha iyo shuraakada, IRB waxay dib ula bilaabaysaa dhegaysiga qof ahaaneed xubnaha iyo turjubaanada gudaha qol dhegaysi oo isku mid ah sida la taliyaha iyo macaamiisha. Qaar dhegaysiga ku lugta leh ka qayb galayaal badan, dhegaysiga waxa uu ka sii socon karaa qolal dhegaysi oo kala gooni ah oo ay isku xidhaan fiidyowyada shirka.
  • Laga bilaabo Isniinta, Sebtambar 14keeda, maaskareetiga aan caafimaadka ahayn waa in la xidhidaa wakhtiyada oo dhan gudaha qolalka dhegaysiga, ay ku jiraan marka caddayn la bixinayo ama la bixinayo gudbinta, oo hoos imanaysa ka xor ahaanshaha. Shakhsiyaadak raba in laga reebo waa inay u sheegaan codsigooda xubinta guddoominaysa.
  • Qolalka dhegaysiga waa la nadiifiyaa ka hor inta aanu dhagaysigu bilaaban iyo mar labbaad ka dib markaad tagto.
  • Waardiyaha amniga ayaa kuu raaci doono qolka dhegaysiga oo kuu hagi doona kursigaaga.
  • Gudaha qolka dhegaysiga tallaabooyinka kala fogaanshaha ayaa diyaar ah. Muraayada aanay waxba ka soo tafin ayaa la geliyay gudaha dhammaan qolalka dhegaysiga. Qalabka maqalka gudaha qolalka dhegaysiga dib ayaa loogu xidhay si loo oggolaado duubista wanaagsan. U hadal si cad oo qaylo dheer markaas go’aan gaadhahu waxa uu awoodayaa inuu kaa dhex maqlo .
  • Sida uu yeelo xubinta guddoominaysa, shakhsiyaadka ka qayb gelaya dhegaysiga waxaa la waydiin karaa inay si ku meel gaadh ah isaga saaraan maaskareetiga si ku meel gaadh ah - tusaale ahaan, si loo caddeeyo dhibta maqalka - si loo xaqiijiyo dhegaysiga buuxa ee saxda ah.
  • Fadlan nadiifi gacmahaaga marka aad gelayso oo ka baxayso qolka dhegaysiga. Dhalooyinka gacmo nadiifinta waxaa laga heli doonaa albaabada iyo miisaska.
  • Marka dhagaysiga la dhammeeyo, waxaa waardiyaha amnigu ku waydiisan doonaa inaad ka baxdo qolka dhegaysiga oo aad ka tagto dhismaha sida degdega ah ee suuragalka ah addoo raacaya calaamadaha tilmaanta ah. Waa inaad xaqiijisaa inaad xidhan tahay maaskareetgaaga.

Qolalka dhaqida iyo qasabadaha biyaha

 
  • Tirada dadka isticmaalaya qolalka qubayska hal wakhti waa la xadidi doonaa. Raac dhammaan calaamadaha iyo tilmaamaha.
  • Fadlan hubi inaad had iyo jeer ku dhaqdo gacmahaaga saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi - khaasatan kadib isticmaalka qolka qubayska.
  • Qasabadaha biyaha leh koobabka la tuuro ayaa la heli doonaa si loo isticmaalo oo waxaa loogu nadiifin doonaa qaab joogta ah. Soo qaado dhaladaada biyahaaga haddii aanad raaxo ka dareemayn.